4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 9 , 2022
Musharax Cirro: "Waxan diyaar u ahay in aanan aqbalin arrin sharci darro ah qiima kasta oo ay tagayso"
 

Axad, January, 9, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in aanu marnaba aqbalaynin qorshe uu sheegay in xukuumadu wadato, si madaxweyne Biixi mudada loogu kordhiyo.

Cirro wuxuu sheegay in madaxweyne Biixi uu furista ururada ugu gogol xaadhayo in uu mudada madaxweyne-nimada ku korodhisto.

"Muuse warkiisu wuu cadyahay, wuxuu doonayaa waa muddo kordhin, ururradan wuu ku gabanayaa, lakin u jeedadiisu sidaa maaha, ujeedadiisu waxa weeyaan in uu doorashada mudadeedii dhaafiyo, dabadeedna muddo korodhsi uu helo" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in aanu marnaba aqbalaynin qorshaha uu sheegay in xukuumadu wadato si ay mudada u korodhsato "Waxan anigu diyaar u ahay in aanan arrin sharci darro ah aqbalin qiimo kasta haday tagayso".

Cirro waxa uu sheegay in aanu kasoo horjeedin furista ururada lakin ay tahay in sharci sax ah loo maro "Waanu caddaynay ururada furistooda in aanaan kasoo horjeedin, ururaduna waxay ku furmayaan sharci".

Waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi uu markii hore diyaar u ahaa in uu doorashada madaxtooyada qabto, lakin uu fursad u arkay muranka soo kala dhexgalay xubnaha golaha wakiilada, oo isku khilaafsan dhaqangalnimada xeerka ururada siyaasada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]