Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Waxaa xalay lagu dilay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho Ismaaciil Maxamed Aadan oo la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya.
newsinsideMarxuumka ayaa la sheegay iney dilkiisa geysteen rag ku hubeysnaa bastoolado oo dhowr xabadood la dhacay, kuwaas oo si deg deg ah uga baxsaday goobta ay dilka ugu geysteen marxumka.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegatay masuliyada dilka loo geystay Marxuum Ismaciil Maxamed oo ay sheegeen inuu ka tirsana ergadii soo xushay Xldhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa horay waxay u sheegtay iney beegsan doonto cid walba oo ka mid noqota ergooyinka soo dooranaya Xildhibaanabada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dilkaan uu sii cabsi galin doona ergooyinka kale ee doonaya iney soo xulaan Xildhibaanadda Baarlamaanka ee doorashadooda dhiman tahay iyo kuwii wax doortayba.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online