4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 9 , 2022
Golaha wadatashiga qaran oo shir kula leh Muqdisho golaha midowga musharraxiiinta
 

Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa haatan kulan la leh Midowga Musharixiinta madaxweynaha, oo ka mid ah dhinacyada ay arki doonaan madaxdu kahor intaan shirka lasoo geba-gebayn.

Golaha wadatashiga ayaa lagu wadaa inay galabta war murtiyeed kasoo saaraan shirkooda uga socda magaalada Muqdisho, kaas lagu gaaray qodobo xal u ah dhameystirka doorashada.

Lama oga in golaha wadatashigu uu ku heshiiyay arrinta amniga dalka oo uu raysal wasaaruhu doonayay in masuuliyaddaas isaga looga dambeeyo, hase ahaatee ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah xubnaha golaha wadatashiga qaran.

Golaha wadatashiga ayaa isku raacay in AMISOM la siiyo waaajibaad dheeraad ah oo ay ku sugayaan amniga labada xafiis ee madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, waxaana la isku raacay in meesha laga saaro labada ciidan ee madaxtooyada isku horfadhiya.

Golaha wadatashiga waxay isku raaceen in doorashada lagusoo gabagabeeyo muddo u dhaxaysa 40 illaa 60 cishe, waxaana meesha laga saaray dhammaan muranada xildhibaannada la doortay.

Qodobadan iyo kuwa kale ayaa la filayaa in kusoo baxaan war murtiyeedka la filayo in ay soo saaraan golaha wadatashiga qaran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online