4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2022
Madaxweyne Deni oo xulufaysi siyaasadeed la sameysanaya madaxweyne Lafta Gareen
 

Khamiis, December, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe kusoo dhoweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen).

Safarka madaxweyne Lafta Gareen ee Garowe, madaxtooyada Puntland wax faahfaahin ah kama bixinin. Waxaana lagusoo koobay martiqaad loo sameeyay.

Labada madaxweyne oo muddo xileedkoodku ku dhiman yahay hal sano iyo wax ka yar, ayaa kulamo siyaasadeed ku yeelandoona magaalada Garowe, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uusan wanaagsanayn xiriirkooda dowladda federalka Soomaaliya.

Sida aan kasoo xiganay ilo xog ogaal ah Deni iyo Lafta Gareen ayaa rumaysan  in dowladda federalku ay Muqdisho ka waddo qorshayaal ka dhan ah labada madaxweyne, taasoo ah in lagu kiciyo mucaarado looga hortagayo inay u suurto gasho muddo kororsi ay sameeyaan.

Madaxweyne Lafta Gareen oo isagu hal sano ku darsaday waxaa saaran caddaadis, waxaana kasoo horjeeda oo doorasho isku diyaarinaya siyaasiyiin uu u diiday inay tartamaan doorashadii labada aqal ee barlamaanka.

Madaxweyne Deni oo ay horey isku seegeen madaxweynihii ay xulafada dhow ahaayeen ee Axmed Madoobe, wuxuu hadda doonayaa inuu bannaanka keeno mucaaraddada dowladda madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud. Deni wuxuu hadda hoos u dhigay wada shaqaynta hay’adaha dowladeed ee labada dhinac. Sida aan xogta ku helnay. wuxuu joojiyay inay Garowe howlo shaqo u yimaadaan wasiiradda dowladda federalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, warar horey loo baahiyay waxay sheegayaan in labada madaxweyne ay dhawaan ku kulmeen dalka Imaaraatka Carabta, iyagoo ku heshiiyay isxulufaysi siyaasadeed. Waxaa kaloo jira warar sheegaya inay dhawaan u safridoonaan dalka Ethiopia, halkaas oo ay kulamo kale ku yeelandoonaan.