4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2022
Hay'adda IMF oo sheegtay inay Soomaaliya buuxisay sharuudihii barnaamijka deyn cafinta dalka
 

Khamiis, December, 8, 2022 (HOL) - Hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa warbixin cusub oo ay maanta soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay buuxisay dhammaan sharuudihii looga baahnaa, si looga cafiyo deymaha badan ee lagu leeyahay dalka.

Hay’addu waxay warbixinteeda ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, taasoo horseed u ah in la gaaro go’aannada kama dambeysta ah ee deyn Cafinta.

Guddiga sare ee IMF, ayaa si kor loogu qaado horumarka socda, waxay soo jeediyeen in dadaal dheeri ah lagu bixiyo siyaasadda canshuuraha iyo dib u habeynta kastamka iyo sharciga cusub ee canshuurta dakhliga.

Guddiga sare ee IMF waxay sheegeen horumarka dowladdu ka sameysay geeddi socodka deyn cafinta inuu u gogol xaarayo in sannadka 2023 la gaaro dhameystirka deyn cafinta Soomaaliya.

"Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey'adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya/ ECF waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday" ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday IMF.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta kasoo baxday hay’adda IMF, taasoo lagu bogaadiyay dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Maalmo ka hor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya qaadan doonto malaayiin dollar oo deyn ah, marka daynta laga cafiyo, si buu yiri loogu adeegsado hirgalinta warshado wax soo saar  oo dalka dhaqaalihiisa kor usoo qaada.