4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2022
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo helay xabaalo wadareedyo lagu aasay maydadkii Shabaab
 

Khamiis, December, 8, 2022 (HOL) - Saraakiisha hoggaaminaysa howglgalkii Al Shabaab looga xoreeyay degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay inay heleen Xabaalo wadareedyo ah lagu aasay maydadkii Shabaab ee lagu dilay weeradii ka dhacay gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidanka dowladda ayaa deegaanka Ciidciidka Jimbilow oo dhul kayn ah ku arkay godad xabaalo wadareedyo ah oo Shabaab ay ku gureen maydadkoodii, waxaana qaar kamid ah maydadku kasoo muuqdeen godadka, taasoo keentay inay ciidamada xoogga dalku si quman u aasaan.

Sarkaal katirsan ciidanka milatariga ayaa sheegay inay Shabaab si arxan darro ah godad ugu shubeen maydadkoodii, kaddib markii uu sheegay in lagu jebiyay dagaalladii lagu xoreeyay Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

“Meeshaan waxaa ku duugan maydad aad u tiro badan, oo loo duugay si arxan darro ah. Waligay ma arag wax nuucaan oo kale loo duugay,” ayuu yiri sarkaal katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, oo is dultaagay god kamid ah godadka lagu aasay maydadka.

Saraakiisha ciidanka ayaa horey u sheegay inay Alshabaab si khasab ah dagaalada usoo galiso dad shacab ah. Waxaana dhawaan gobolka Hiiraan lagu arkay maydadka dagaalamayaal katirsan Alshabaab oo lugaha lagasoo xiray, kadibna hal meel lagu wada laayay.