4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2022
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Maanta ansixiyay laba Hindise Sharciyeed oo muhiim ah

Khamiis, December, 8, 2022 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulankooda todobaadlaha ah oo uu shir guddoominaayay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre waxaa lagu ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah.

Golaha ayaa kulankooda Maanta waxay ku meel mariyeen hindise sharciyeedka cunaqabeynta Maaliyadeed ee cayiman iyo waliba sharciga nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa.

Afhayeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in sharciyadaan ay ahmiyad gaar ah u kala leyihiin dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo maamulka nidaamka maaliyadeed ee qodista khayraadka dhulka hoostiisa.

Labadaan hindise sharciyeed ee Maanta ansixiyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya waxaa soo gudbisay Wasaaradda maaliyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in loo sii gudbin doono Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

15-kii bishii lasoo dhaafay ayaa madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinaayay furitaanka Kalfadhiga labaad ee labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu mudanayaasha labada Aqal ka codsaday in ay meel mariyeen shurcuuda ay Xukuumadda Fedaraalka u soo gudbin doonta Baarlamaanka Soomaaliya.