4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2022
Masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dhex toogtay Isbitaal ku yaala degmada Buurhakaba
 

Khamiis, December, 8, 2022 (HOL) - Kooxo hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa toogasho ku dilay isku duwahii Wasaarada Caafimaadka degmada Buurhakaba ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xili uu ku sugnaa Isbitaal kuyaala degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dableyda ayaa toogashada ku dishay Allah u naxariistee isu duwahii wasaaradda Caafimaadka degmada Buurhakaba oo lagu magacaabi jiray Dr Bishaar Ibraahin Cali oo loo yaqaanay Dr Xuub, waxaana dad goobjoogayaal ahaa ay sheegeen in raga hubeysna ay wateen gaari, kuwaas oo xoog ku galay gudaha isbitaalka islamarlaana raasaas ku furay marxuumka.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay isku duwahii Wasaaradda Caafimaadka degmadaasi.

Dhacdadaan lagu khaarajiyay isku duwahii Wasaaradda Caafimaadka degmada Buurhakaba ee maamulka Koonfur Galbeed Dr Xuub ayaa noqotay mid si weyn looga hadal haayay xaafadaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.