4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan
 

Khamiis, December, 8, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kaasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroornimadii hore ku dhexmaray deegaanka Beerxaano ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Beerxaano oo qiyaas ahaan Baledweyne kaga beegan dhanka Koonfureed ilaa 26 KM.

Dagaalka oo socday mudo ku dhaw hal saac ayaa la sheegay inuu ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Ciidamada Al-shabaab ee weerarka ku qaaday saakay deegaanka Beerxaano ayaa dhanka Galbeed kaga soo gudbay wabiga Shabeelle doomo, waxaana dadka ku nool deegaanka Dhoqor ay inoo sheegeen in dib ugu gudbeen doomahii ay markii hore kaga soo gudbeen deegaankaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidanka deegaanka oo la hadlay Shabakada HOL ayaa inoo sheegay in weerarka saakay kaga yimid Al-shabaab ay iska difaaceen ayna gaarsiyeen jab xoogaan, islamarkaana ay ciidanka haatan kusii daba jiraan halka ay doomaha kaga soo gudbeen.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray deegaanada dhaca Bariga Hiiraan, waxaa ay weerarada qorsheysan kasoo qaadaan dhanka Galbeedka Hiiraan oo ay wali ku leeyihiin fariisimo xoogan, iyoogana kusoo gudba doomo xiliyada ay soo weerarayaan deegaanada Bariga gobolka, maadama wabiga Shabeelle uu kala qeybiyo Bariga iyo Galbeedka Hiiraan.