6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2022
Mucaaradka Somaliland oo si wada-jir ah uga soo horjeestay in wada-hadalo lala furo Soomaaliya
 

Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo la kulmay dibu-lumaasiyiin ka socda Norwey iyo Turkiga, oo doonayay in dib loo furo wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u sheegay in anay wakhtigan haboonayn in wada-hadalada dib loo furo.

Mucaaradka oo la kulmay dibulumaasiyiinta kala ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu, ayaa u sheegay in aan wax wada-hadal ah aan Soomaaliya lala furi karin ilaa laga xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumada iyo mucaaradka Somaliland.

"Ergada iyo madaxda mucaaradka ayaa kawada hadlay, sidii dib loogu bilaabi-lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, waxaanay madaxda mucaaradku ay ergada u sheegeen in aanay immika haboonayn in dib loo bilaabo, ilaa laga gudbayo khilaaf-yada gudaha ee ku saabsan doorashooyinka" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxday kulanka.

Madaxweynaha Somaliland oo xalay ergada ku qaabilay qasriga madaxtooyada, ayaa isna dhankiisa u sheegay in aan wada-hadalada la furi karin ilaa la fuliyo 7 shuruudood oo ay ugu horayso in Soomaaliya ay hirgaliso dhamaan heshiisyadii hore loo galay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ergada hore ula kulmay, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in wada-hadalada dib loo furo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/7/2022 9:26 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa Maanta kulan kula qaatay Madaxtooyada dalka Jabuuti madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

12/7/2022 8:23 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada iyo gurmadka abaaraha ayaa bogaadiyay taageerada dowladda Imaaraadka ay u fidisay dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya.

12/7/2022 5:22 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Ismaaciil Xasan Salaad Nuur, oo ahaa darawal mooto Bajaaj oo katirsan Alshabaab una qaabilsanaa gurmadka iyo kala gudbinta hubka iyo qaraxyada.

12/7/2022 3:30 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Buurweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

12/7/2022 12:47 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in aysan marnaba ku talo galin inay hubayso qabaa’ilada Soomaaliyeed, hase ahaatee wuxuu sheegay dowladdu inay qabaailada ku taageertay inay deegaanadooda ka xoraystaan kooxda Alshabaab.

12/7/2022 12:42 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi aanu haysan sharciyad uu ku matalo shacabka Somaliland oo uu kula hadlo Soomaaliya.