4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti oo Maanta kulan ku yeeshay dalka Jabuuti
 

Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa Maanta kulan kula qaatay Madaxtooyada dalka Jabuuti madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeyn dhigiisa dalka Jabuuti la wadaagay guulaha ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ay ka gaareen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda dalka Jabuuti iyo shacabkeeda sida nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo, gaar ahaana ciidanka Hiil walaal uga qeyb qaateen howlgalada dib u xureynta ah ee ka socda Soomaaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa dhankiisa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab, isagoona xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti gaaray Shalay, isagoo halkaas uga qeyb galay Madasha Aragti wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taasoo lagu gorfeynaayay caqabadaha ka jira gobolka gaar ahaan Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday ee aafeeyay gobolka.