6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2022
Faysal Cali Waraabe oo kasoo horjeestay in Somaliland wada-hadal la furto Soomaaliya
 

Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi aanu haysan sharciyad uu ku matalo shacabka Somaliland oo uu kula hadlo Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo guud ahaanba kasoo horjeeda, wada-hadalo lala galo Soomaaliya, ayaa sheegay in anay jirin Somaliland wax ka galay 5 gobol oo qabiilo ka taliyaan, isaga oo u jeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

"Muuse Biixi ma haysto sharciyad uu ku matalo reer Somaliland, kaliya wuxuu matalaa xisbigiisa Kulmiye, wada-hadal lala furo isaga, Somaliland waxay u tixgalin doontaa  mid aan shaqaynayn iyo faragalin lagu sameeyay arrimaheeda guddaha, waxba nagama galin 5-ta gobool ee qabaa'ilku ka taliyo ee Soomaaliya" ayuu yidhi Waraabe.

Guddoomiye Waraabe oo hore qayb uga ahaa wada-hadaladii xukuumadii Siilaanyo la gashay xukuumadihii hore ee Soomaaliya, ayaa sannadihii u danbeeyay kasoo horjeestay wada-hadalada, isaga oo sheegay in wada-hadalku aanu Somaliland faa'iido u lahayn.

Hadaba, ergo ka socota waddamada Norwey iyo Turkiga, oo Somaliland safar ku jooga ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu dib wada-hadal ula furo xukuumada Soomaaliya, codsigaasi oo uu madaxweynuhu ku xidhay shuruudo dhowra oo ay kamid yihiin  in la fuliyo heshiisyadii hore labada dhinac u galeen.

Dhimaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna la kulmay ergada ka socota Norwey iyo Turkiga, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay soocelinta wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/7/2022 9:26 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa Maanta kulan kula qaatay Madaxtooyada dalka Jabuuti madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

12/7/2022 8:23 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada iyo gurmadka abaaraha ayaa bogaadiyay taageerada dowladda Imaaraadka ay u fidisay dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya.

12/7/2022 6:14 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo la kulmay dibu-lumaasiyiin ka socda Norwey iyo Turkiga, oo doonayay in dib loo furo wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u sheegay in anay wakhtihan haboonayn in wada-hadalada dib loo furo.

12/7/2022 5:22 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Ismaaciil Xasan Salaad Nuur, oo ahaa darawal mooto Bajaaj oo katirsan Alshabaab una qaabilsanaa gurmadka iyo kala gudbinta hubka iyo qaraxyada.

12/7/2022 3:30 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Buurweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

12/7/2022 12:47 AM EST
Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in aysan marnaba ku talo galin inay hubayso qabaa’ilada Soomaaliyeed, hase ahaatee wuxuu sheegay dowladdu inay qabaailada ku taageertay inay deegaanadooda ka xoraystaan kooxda Alshabaab.