4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo shuruudo ku xidhay wada-hadal u furma xukuumada Soomaaliya
 

Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wada-hadal u furma xukuumada Soomaaliya ku xidhay  7 shuruudood oo ay ugu horayso in loo wada-hadlo sidii labada dowladood, iyo in la helo xal ku dhamaada laba dowladood oo kala madaxbannaan.

Madaxweynaha oo qaabilay ergo ka kala socota waddamada Norwey iyo Turkiga oo u socday dib u bilaabida wada-hadalada xukuumada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ergada ku wargaliyay in Somaliland diyaar tahay hadii la helayo wada-hadalo macno leh.

Madaxweynaha ayaa ergada u sheegay in la hirgaliyo dhamaan heshiisyadii lagu gaadhay wada-hadaladii hore, hadii la doonayo in dib loo bilaabo wada-hadalada, iyo in la helo nidaam caalami ah oo dhex dhexaadin ah, kaasi oo damaanad qaadi kara fulinta qodobada lagu heshiiyo.

Waxa uu soo jeediyay in la helo xoghayn maamusha xogta shirarka, xoghayntaasi oo aamin ah, dhexdhexaad ah, isla markaana ku sifowday howlkarnimo, sidookale, waxa uu soo jeediyay in la helo xeerar lagu dhaqmo inta wada-hadaladu socdaan.

Waxa uu ergada u sheegay in loobahanyahay ajende qeexaya khilaafka labada dhinac si looga wada-hadlo arrimaha udub dhexaadka u ah, isla markanaa uu wada-hadalku noqdo mid wakhtiyaysan oo wakhti xadidan kusoo dhamaada.

Somaliland sannadkii 2012 ayay markii u horaysay ogolaatay in ay la hadasho Soomaaliya, lakiin kadib wada-hadalo is xig xigay oo sannado socday wax natiijo ah oo la taaban karo lagama gaadhin, Somaliland ayaa xukuumadii hore ee Soomaaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiisyadii la galay.

Hoos ka akhriso 7 shuruudood ee Somaliland ku xidhay wada-hadlada Soomaaliya

1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen.

2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.

3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka.

4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan.

5. Waa inuu jiraa mabaadi'dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono.

6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka.

7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]