4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2022
Guddida la dagaalanka Musuqa ee dowlad degaanka Soomaalida oo awaamir cusub soo saaray
 

Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Guddida la dagaallanka musuqa ee degaanka Soomaalida ayaa maanta yeeshay kulankoodii u horreeyay, iyagoo soo saaray awaamiro cusub oo la dul dhigay dhammaan xafiisyada iyo laamaha kala duwan ee dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba guddidan ayaa kulankoodii maanta ku sheegay in muddo saddex bilood ah la hakiyo dhaqdhaqaaqa iyo kala wareejinta lahaanshaha hantiyaha muhiimka ah sida Xujadaha dhulka (Warqadda lahaanshaha dhul ama guri), gawaadhida iyo hantiyaha kale ee muhiimka.

Guddidan oo maalmo ka hor la ansixiyay ayaa durba billaabay hawlahooda shaqo, iyagoo shaqadooda ka billaabi doona dhammaan laamaha dowladda ee heer gobol iyo heer degaan.

Arrimaha la dagaalanka musuqa ayaa si guud uga billawday degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, iyadoo taasina ay ka dambaysay kaddib markii Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed uu si guud ugu dhawaaqay Olole ka dhan ah musuqa in laga hirgaliyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Waa markii koowaad ee olole noocan oo kale ah oo ka dhan ah musuqa laga hirgaliyo guud ahaan degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya.