3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxa ATMIS oo ka wadahadlay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab
 

Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee guddiga Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka ATMIS Souef Mohamed El-Amine.

Raysal wasaare Xamse ayaa Danjire Souef kala hadlay arrimaha amniga, dadaalada dib u xureynta, xasilinta dalka iyo kaalinta ATMIS ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka qaarkood.

Xamse Cabdi Barre ayaa ugu mahadceliyay ciidanka Midowga Afrika doorkooda ku aadan nabadgalyada dalka iyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka gaareen dagaalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Gabagadii Wakiilka gaarka ah ee guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed ayaa balan qaaday in ATMIS ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo waliba dadaalada ku aadan amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.












Click here
12/6/2022 3:27 PM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wada-hadal u furma xukuumada Soomaaliya ku xidhay 7 shuruudood oo ay ugu horayso in loo wada-hadlo sidii labada dowladood, iyo in la helo xal ku dhamaada laba dowladood oo kala madaxbannaan.

12/6/2022 5:05 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada xoogga dalka, kuwa Hirshabeelle iyo kuwa deegaanka uga mahad celiyay inay Shabaab ka xoreeyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

12/6/2022 2:04 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane, ayaa la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

12/6/2022 1:53 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Guddida la dagaallanka musuqa ee degaanka Soomaalida ayaa maanta yeeshay kulankoodii u horreeyay, iyagoo soo saaray awaamiro cusub oo la dul dhigay dhammaan xafiisyada iyo laamaha kala duwan ee dowlad degaanka Soomaalida.

12/6/2022 1:31 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Shir wadajir ah oo dhexmaray ururka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya.

12/6/2022 1:27 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab ayaa weerar jidgal ah oo khasaare geystay ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya oo maraayay duuleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

12/6/2022 1:03 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in ururada siyaasada ee cusubi ay Somaliland burburinayaan.