6/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Shabaab Shebeelalda dhexe wuxuu kaga haray Ruun-Nirgood, iyadana saacado kadib waa la xoreynayaa
 

Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada xoogga dalka, kuwa Hirshabeelle iyo kuwa deegaanka uga mahad celiyay inay Shabaab ka xoreeyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha oo jeediyay khudbad bogaadin iyo dhiirri galin ah ayaa sheegay inay tahay guul ummadda Soomaaliyed usoo hoyatay in Shabaab laga kiciyo dhulkii ay muddo tobanaan sano haysteen, oo uu sheegay inay dadka ku dulaysan jireen.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay gobolka Shabeellada dhexe inay Shabaab kaga sugan yihiin degmada Ruun Nirgood, isagoo tilmaamay in saacado gudaheed looga xoreyndoono. Wuxuu sheegya in Shabaab waqtigiisii uu soo dhamaaday, islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqeynayso in deegaanada la xoreeyay si degdeg ah looga hirgaliyo adeegyadii arrimaha bulshada.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay in Shabaabku markii ay ka baxeen Aadan Yabaal ay ceelashii biyaha kasii furteen Bomkii biyaha soo saarayay. isagoo xusay inay qeyb ka tahay dhibaatada ay ku hayeen bulshada.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay dowladdu inay horey u dayactiray ceelashii Hiiraan ee Shabaabku aaseen. Haddana lagu howl jiro in Ceelasha Aadan Yabaal dib loo howlgaliyo.













Click here
12/6/2022 3:27 PM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wada-hadal u furma xukuumada Soomaaliya ku xidhay 7 shuruudood oo ay ugu horayso in loo wada-hadlo sidii labada dowladood, iyo in la helo xal ku dhamaada laba dowladood oo kala madaxbannaan.

12/6/2022 9:41 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee guddiga Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka ATMIS Souef Mohamed El-Amine.

12/6/2022 2:04 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane, ayaa la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

12/6/2022 1:53 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Guddida la dagaallanka musuqa ee degaanka Soomaalida ayaa maanta yeeshay kulankoodii u horreeyay, iyagoo soo saaray awaamiro cusub oo la dul dhigay dhammaan xafiisyada iyo laamaha kala duwan ee dowlad degaanka Soomaalida.

12/6/2022 1:31 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Shir wadajir ah oo dhexmaray ururka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya.

12/6/2022 1:27 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab ayaa weerar jidgal ah oo khasaare geystay ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya oo maraayay duuleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

12/6/2022 1:03 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in ururada siyaasada ee cusubi ay Somaliland burburinayaan.