4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Gaarisa

Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab ayaa weerar jidgal ah oo khasaare geystay ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya oo maraayay duuleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Weerarka dhabagal ka ah ee ciidamada Al-shabaab la beegaadeen kolonyada gaadiidka ay ku socdaalayeen ciidanka dowladda Kenya ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaanada Weelmareer iyo Yunbis, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo dagaalyahanada ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dad deegaanka oo qaarkood warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Kenya lagu dhuftay qorayga loo yaqaano Sabanka, kaasoo dhinac ka gubtay, hayeeshee aysan xaqiijin karin khasaaraha raamiga ah ee gaaray askartii saarneyd gaariga Sabanka lagu dhuftay.

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka jigdalka ah ayaa sidoo kale waxay sheegeen in khasaare xoogan ay weerarka ku gaarsiiyeen ciidanka Kenya ee ku socdaalayay inta u dhaxeyaa deegaanada Weelmareer iyo Yunbis.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Kenya ayaa sheegeen iney fashiliyeen weerarkii kaga yimid Ururka Al-Shabaab, islamarkaana haatan ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan raggii weerarka kusoo qaaday.

Dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ayaa inta badan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi Bari ka geysta weeraro gaadmo ah, mid toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadaan ciidamada dalka Kenya oo haatan ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.