6/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2022
Faysal Cali Waraabe oo markale ka dayriyay ururada siyaasada Somaliland
 

Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in ururada siyaasada ee cusubi ay Somaliland burburinayaan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in nidaamka furista ururada ee uu madaxweynaha Somaliland hor kacayaa uu uu Somaliland burbur u horseedi doono.

"Waxad maqasheen anoo leh mashruuca uu wado Muuse Biixi waa burburka Somaliland, macnaheedu maaha ana burburinaya, lakiin waa habkay u burburaysay" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Waxa uu ku andacooday in sharciga ururada siyaasada ee xukuumadu gadhwadeenka ka tahay uu yahay sharci ogolaanaya in beel kastaaba urur gaar ah furato.

"Bal Muuse waxad waydiisan, wuxuu leeyahay sharci baan ilaalinayaa oo uu gaalada u sheegay, anagaaba ku ixtiraamaynee intu soo fadhiisto sharciga uu ilaalinayo ha sheego sharciga odhanaya jilib kastaaba urur ha furto" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaan wali ka heshiin ta soo horaynaysa doorashooyinka ururada siyaasada iyo madaxtooyada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/6/2022 3:27 PM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wada-hadal u furma xukuumada Soomaaliya ku xidhay 7 shuruudood oo ay ugu horayso in loo wada-hadlo sidii labada dowladood, iyo in la helo xal ku dhamaada laba dowladood oo kala madaxbannaan.

12/6/2022 9:41 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee guddiga Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka ATMIS Souef Mohamed El-Amine.

12/6/2022 5:05 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada xoogga dalka, kuwa Hirshabeelle iyo kuwa deegaanka uga mahad celiyay inay Shabaab ka xoreeyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

12/6/2022 2:04 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane, ayaa la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

12/6/2022 1:53 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Guddida la dagaallanka musuqa ee degaanka Soomaalida ayaa maanta yeeshay kulankoodii u horreeyay, iyagoo soo saaray awaamiro cusub oo la dul dhigay dhammaan xafiisyada iyo laamaha kala duwan ee dowlad degaanka Soomaalida.

12/6/2022 1:31 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Shir wadajir ah oo dhexmaray ururka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya.

12/6/2022 1:27 AM EST
Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab ayaa weerar jidgal ah oo khasaare geystay ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya oo maraayay duuleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.