4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wafti Maraykan ah
 

Sabti, Ogosto, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wafti Maraykan ah oo ka kooban diblumaasiyiin, saraakiil ciidan iyo saraakiil ka socda akaadamiyada Heritage Foundation oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Madaxweynaha ayaa waftiga uga warbixiyay xaalada Somaliland, horumarka, dhinacyada dimuquraadiyada iyo doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

"Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku mi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimu-quraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo".

Xubnaha waftiga ayaa dhankooda xukumuumada iyo shacbiga Somaliland uga mahadceliyay soo dhawaynta waxayna sheegeen in badankooda ay Somaliland ugu danbaysay wakhtiyo hore, imikana ay arkaan horumar badan.

"Waxaanay ku bogaadiyeen dawladda iyo shacbigaba Jamhuuriyadda Somaliland horumarka ay ka gaadheen nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro" ayay warbixintu ku dartay.

Weftiga ayaa ka koobnaa Mr.Tibor Nagy, Kaaliyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Ambassador J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa gobolka Saaxil ee galbeedka Afrika, Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William "Kip" Ward iyo Mr Joshua Meservey, oo ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]