4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Madaxweynaha Puntland oo amray in la joojiyo iibinta buugaagta manhajka waxbarashada dugsiyada sare
 

Sabti, Agoosto, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray in la joojiyo in la iibiyo buugaagta manhajka waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda, sida uu sheegay.

Madaxweyne Deni ayaa ayaa faray masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Amarka madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday, iyadoo aad looga cabanayay lacag $55 oo ay wasaaradda waxbarashadu kusoo rogtay  qaadashada buugaagta manhajka waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Axmed Xasan ayaa dhowaan sheegay inay waalidiinta ka qafiifiyeen lacagta buugaagta, isagoo sheegay in si tartiib ah uu isaga bixin karo waalidkii aan awoodin inuu buugaagta halmar iibsado.

Cabashada waalidiinta ayaa gaartay madaxweynaha Puntland, kadib markii baraha bulshada ay kasoo muuqdeen waalidiin danyar ah oo aad uga cabanayay inaysan bixin karin lacagaha buugaagta lagu iibsanayo.

Arrimahan oo idil ayaa kusoo aaday, xilli in ka badan 6,000 oo arday ay waxbarashada uga hareen saameynta abaaraha Puntland, kadib markii waalidiintu awoodi waaayeen inay bixiyaan qarashka waxbarashada carruurtooda.