4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland oo cambaareeyay xukuumada Somaliland
 

Sabti, Ogosto, 13, 2022 (HOL) - Xildhibaannada kasoo jeeda xisbiyada mucaaradka Somaliland ee ka tirsan golaha wakiilada, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay habkii ciidamada booliisku ula dhaqmeen mudaharaayaasha mucaaradka bannaanbixii 11 August.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland qaldanyahay, isla markaana loo baahanyahay in la saxo, isagoona xukuumada ku eedeeyay in ay sharcigii baal martay.

"Rasuulku waxa uu yidhi marka uu walaalkaa saxanyahayna waa in aad quwayso, marka uu qaldanyahayna waa in aad qabato, waaxdii fulinta ee golahani uu dheeli tirayay, way xad gudubtay" ayidhi xildhibaan Abiib.

Waxa uu sheegay in qawaaniintii Somaliland ay xukuumadu ka gudubtay, isla markaana ay mudaharaadayaasha gacan kulul kala hortagtay, waxa uu intaa ku daray in dhamaan dadka dhintay ay ku dhinteen dhulkii loo asteeyay in uu mudaharaadku ka dhaco.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in booliisku anay mar marsiyo ka dhigan karin dhagax ayaa laygu soo tuuray.

"Hadii askariga inan yar oo miskiin ah oo dhowr iyo toban jir ahi, uu dhagax ku dhufto ma xabad ayuu ku dhufanaya?" Ayuu yidhi Khayreeye, waxa uu intaa ku daray in anay ahayn in ciidan shacabka tooganaya loo diro goobta mudaharaadka, lakiin booliiska rabshadaha ka hortaga la howlgaliyo.

Waxa ay xildhibaannadu sheegeen in ay dib iskugu noqon doonaan, oo ay xaalada wax ka qaban doonaan, waxay madaxweynaha usoo jeediyeen in uu xaalada dajiyo madaama oo uu yahay odaygii umada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]