4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Caawa war kasoo saaray rabashadahii ka dhacay magaalooyin ka mid ah Somaliland
 

Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa ka hadlay rabashadahii Shalay ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, isagoona ku baaqay in xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin hoggaanka siyaasadda iyo shacabka Somaliland inay dhowrtaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xukuumadda, Mucaaradka iyo Bulshada reer Somaliland inay wadahadal ku xaliyaan muranka ka taagan doorashada Somaliland ee sababay rabashadaha ay ka dhasheen dhimashada iyo dhaawaca gaaray dadka rayidka ah ee banaanbaxayay.

“ Walaalayaal dhexdiina is xaliya, waxaan aad uga digeyaa inaadan gaarina meel dibadda la idinka soo farageliyo, meel Soomaali kale ay idin kaga timaado aad u baahataan, waxaa kaliya uga baaqsan kartaan waxaa ay tahay in aad wada fadhiisataan oo wada hadashaan oo aad dhowrataan wadajirka iyo nabadda aad ku tilmaaman tihiin oo aan idinkaga dayano” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkaan Caawa kasoo baxay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xili Shalay qaar ka mid ah deegaanada Somaliland ay ka dhaceen dibadbaxyo ka dhan ahaa Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo xoogooda ka dhacay magaalooyinka kala ah Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, waxaana dibadbaxyadaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac gaaray dadka mudaaharaadayay oo kasoo horjeeday mudo kororsi ku yimaada doorashada madaxtinimada Somaliland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]