3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho kusoo bandhigay Mooto Bajaajyo laga dhacay dadkii lahaa
 

Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Xalay howgalo culus ka sameeyay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay tiro Mooto Bajaajyo ah oo ay sheegeen in lasoo dhacay.

Taliyaha ciidanka Booliska qeybta bari ee gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howgalada Samakaab ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho uu guda galay bishii labaad ayna kusoo qabqabteen Mooto Bajaajyo laga soo dhacay dadkii lahaa oo lacago aad u qiimo jaban lagusii kala iibsaday.

"Howlagalada Xalay aan sameynay waxaan kusoo qabanay Mootooyin lasoo dhacay oo taargooyinkii laga badalay oo lagu kala iibsaday lacago aan badan sida 200 oo dolar, waxaana ugu badneyd 500 oo dolar lacagaha lagu kala iibsaday, garaash ay ku xareysnayeen ayaan ugu tagnay marka howlgaladeena way sii socon doonaan" ayuu yiri Gaashaanle Goofjooge.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili mudooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho kusoo kordhayeen dhaca loo geysanaayo Mooto Bajaajyada, iyadoo jirtay dhalinyaro farabadan oo laga dishtay Mootooyinkii ay ku shaqeysan jireen.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/12/2022 5:02 PM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa ka hadlay rabashadahii Shalay ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, isagoona ku baaqay in xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin hoggaanka siyaasadda iyo shacabka Somaliland inay dhowrtaan.

8/12/2022 1:45 PM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Raysal waasaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo goordhaw ka hadlay rabashadahii ka dhacay deegaano ka tirsan Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka iyo masuuliyiinta Somaliland in wadahadal iyo is afgarad ay ku dhameeyaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Somaliland, kadib banaanbaxyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalooyin ka mid ah Somaliland oo ay ku dhinteen dad shacab ahaa.

8/12/2022 11:19 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa maanta isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida.

8/12/2022 10:21 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in magaalada Cundhufo oo maalmihii u dambeeyay uu ka socday dagaal u dhaxeeyay Soomaali iyo Canfar ay maanta si buuxda ugu gacan gashay maleeshiyaadka Canfarta.

8/12/2022 5:41 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Hal qof oo Soomali ah oo rag ah ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen qabuuraha Richmond Hill, halkaas oo ay ka socotay aaska wiil dhallinyaro Soomaali ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Toronto.

8/12/2022 4:04 AM EST
Jimco, Ogosto, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dusha u saaray xisbiyada mucaaradka ah eeda khasaarihii ka dhashay muharaadkii Khamiista, wuxuuna mucaaradka ku eedeeyay in ay qas a buureen si ay uga baxsadaan tartanka urrurada siyaasada.

8/12/2022 2:12 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii 7-dii bishaan buuqa iyo fowdada ka dhex sameeyay fadhigii Baarlaamanka Soomaaliya ay ku ansixinayeen Golaha Wasiiradda Xukumadda Soomaaliya ayaa raali galin ka bixiyay falkii uu kula kacay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

8/12/2022 12:15 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Tartanka Qur'aanka Kariimka ee Waqooyiga Ameerika, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaana abaal marino lagu gudoonsiiyay tartamayaashii ugu sareeyay.

8/12/2022 12:12 AM EST
Jimco, Ogosto, 12, 2022 (HOL) - Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen waddamada Faransiiska, Denmark, Finland, Germany, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ugu baaqay in ay xaalada dajiyaan.