4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Tartanka qur'aanka kariimka ee waqooyiga Ameerika oo lasoo gabagabeeyay


Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Tartanka Qur'aanka Kariimka ee Waqooyiga Ameerika, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaana abaal marino lagu  gudoonsiiyay tartamayaashii ugu sareeyay.

Fartuun Abdilqadir Wako oo ku guulaysatay tartankii Quraanka Imam Al-Shatibi ee Minnesota 2022, ayaa la gudddoniiyay abaal marin ku qiimaysan $56,000 oo dollar oo ah gaari nuuca loo yaqaan Highlander Platinum iyo deeq waxbarasho oo ah jaamacadda Medina ee boqortooyada Sacuudiga Carabiya.

Guulaystaha labaad oo lagu magacaabo, Adeeb Bari oo ku guulaystay 30-ka juz ee dhinaca wiilasha Boys oo ka socday Gobolka Texas ayaa la guddoonsiiyay gaari Toyota Highlander Platinum, oo qiimihiisu yahay $10,000 iyo deeq waxbarasho oo buuxda oo ah Jaamacadda Medina KSA.

Guulaystaha saddexaad, Axmed Bashiir Aadan oo ka socday gobolka Tennessee oo isna ku guulaystay 30-ka Juz ayaa la guddoonsiiyay $ 15,000 oo lacag caddaan ah iyo deeq waxbarasho oo buuxda oo ah Jaamacadda Medina KSA.

Sannadkan waxaa maalgalinta abaalmarinta tartanka qur’aanka ka qeyb galay ganacsade Cabdiraxman Ciise Kaahin oo bixiyay abaalmarinada qaaliga ah ee la guddoonsiiyay saddexda tartame ee ugu sarreeyay tartanka qur'aanka.

Waa sannadkii 8aad ee tartankan la qabanayo, iyadoo loogu talo galay in kor loogu qaado ahmiyadda qur’anka kariimka iyo sidii ubadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha loogu tarbiyayn lahaa barashadiisa.