4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Magaalada Cundhufo oo si buuxda ay ula wareegeen maleeshiyaadka Canfartu
 

Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in magaalada Cundhufo oo maalmihii u dambeeyay uu ka socday dagaal u dhaxeeyay Soomaali iyo Canfar ay maanta si buuxda ugu gacan gashay maleeshiyaadka Canfarta.

Ma jirin wax iska caabin ah oo ay ka kulmeen Canfartu, sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Ciidankii Liyuu Booliska Soomaalida oo badankood mar hore loo diray dhinaca xuduudda Soomaaliya, intii kusoo hadhay aagan ay iyaguna soo baneeyeen magaalada Cundhufo.

Danlahelay iyo magaalooyin kale oo la isku haystay ayay maalinimadii shalay Canfartu la wareegtay, halka maanta oo Jimce ah ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Cundhufo, oo ah magaaladii u dambeysay ee Soomaali iyo Canfar isku haysteen.

Dadkii degganaa magaalooyinka gacanta u galay Canfarya oo ay kamid ahayd magaalada Cundhufo ayaa iskaga baxay, waxayna kusoo barakaceen dadkaasi degaannada u dhaw magaalooyinkan la qabsaday.

Magaalada Cundhufo ee maanta ay la wareegeen maleeshiyaadka Canfartu ayaa ah magaalo muhiim ah, oo ku taal jidka laamida ee isku xidha Addis Ababa iyo dalka Jabuuti, waa magaalo hal bowle u ah dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalka Itoobiya.

Saddexda magaalo ee muranku ka taagnaa mudada dheer ee Garbaciise, Caddhaytu iyo Cubdhufo ayaa waxaa heshiis dhex maray maamulkii hore ee degaanka Soomaalida wkhtigii Cabdi Maxamuud Cumar iyo Maamulkii Canfarta ee xilligaa la isla gartay in magaalooyinkan lagu wareejiyo Canfarta, balse dadka Soomaalida ee degganaa dhulkan ay sii degganaadaan.

Balse heshiiskaa waxaa 2019kii waxba kama jiraan ka dhigay xukuumaddii Mustafe cagjar, iyadoo xilligaasna uu Madaxweyne Mustafe cagjar Warbaahinta ka sheegay inuusan oggolaanayn in la qaato taako dhul Soomaali leedahay.

Wakhtigaa wixii ka billaabmay waxaa magaalooyinkan ku billawday dagaal iyo colaad hor leh oo u dhaxeysa Soomaali iyo Canfar, dhiig badanna ku daatay dad badanna ay ku barakaceen.

Marar badan waxaa la isku dayay in heshiis la kala dhex dhigo Soomaalida iyo Canfarta, dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa heshiiskii u dambeeyay garwadeen ka ahayd, balse wax walba oo qalinka lagu duugo waxa uu noqonayay hal bacaad lagu lisay.

Wali xukuumadda dowlad degaanka Soomaalidu kamaysan hadlin arrintan kasoo cusboonaatay galbeedka gobolka Sitti.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]