4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Saxiibada caalamiga ah ee Somaliland oo baaq u diray xukuumada iyo mucaaradka Somaliland
 

Jimco, Ogosto, 12, 2022 (HOL) - Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen waddamada Faransiiska, Denmark, Finland, Germany, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ugu baaqay in ay xaalada dajiyaan.

Qoraalkan wadajirka ah ayaa lagu sheegay in waddamadan ay walaac galisay qalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Somaliland iyo awooda ay ciidamada booliisku u isticmaaleen mudaharaadayaasha.

"Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland waxaa aad u walaac galiyay wararka sheegaya qalalaasaha iyo isticmaalka xad dhaafka ah ee awooda intii ay socdeen banaanbaxyadii siyaasadeed ee Hargaysa, Burco iyo Ceerigaabo".

Waxay dhinacyada ugu baaqeen in ay xaalada qaboojiyaan, oo ay ka fogaadaan falcelinta kulul "Waxaanu dhamaan dhinacyada ugu baaqaynaa, mudaharaadayaasha iyo booliiskaba in ay si nabad ah u fal celiyaan, oo ay sharciga raacaan".

Waxay dhamaan dhinacyada siyaasada Somaliland ku booriyeen in ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada, si loo amba qaado wadadii doorasho lagu gaadhi lahaa.

Waxa kale oo ay fareen in hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland ay ilaaliyaan doonista shacbiga iyo nabada "Hogaamiyayaasha Somaliland waa in ay shacabka kala shaqeeyaan sidii ay mustaqbalkooda go'aan uga gaadhi lahaayeen, waana in ay ilaaliyaan, nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada Somaliland".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]