4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Fahad Yaasiin oo aqbalay go'aanka maxkamadda sare ku diiday garnaqa kiiskiisa
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahan Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaciyay inuu aqbalay go'aankii maanta kasoo baxay maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Maxkamadda sare ayaa diiday inay ka garnaqdo cabashada uu Fahad Yaasiin kasoo gudbiyay go'aanka guddiga doorashada uu ku hakiyay kursiga loo doortay ee sumadiisu tahay Hop 086.  

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Fahad Yaasiin ayuu ku sheegay inuu maxkamadda sare ku ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay ee ah inaysan awood u lahayn inay ka garnaqdo gal-dacwadeedkiisa.

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay  go'aanka lagu hakiyay kursigiisa inuu yahay go'aan siyaasadaysan, wuxuuna sheegay inuu kusoo baxay tartan daahfurnaan ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online