4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Faysal Cali Waraabe: Muuse talo haka sugina, in aan ka badbaadno mooyaane
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu Somaliland burburinayo.

Faysal oo ka hadlayay casho sharaf uu u sameeyay 12 kii suxufi ee shalay xabsiga laga soo daayay, ayaa dhaliilay xukunka madaxweyne Biixi, isaga oo sheegay in uu la xisaabtamayo wixii Ramadaanta ka danbeeya oo aanu ka ogolaanayn in uu Somaliland burburiyo sida uu hadalkiisa u dhigay.

"Muuse talo haka sugina, in aan ka bad baadno mooyaane haka filina wanaag Muuse...markay Ramadaantu dhamaato Muuse ama madaxweyne ayuu noqon doonaa ama kursiga ayuu iska soo wareejin doonaa, taladeediina waala galayaa, in Somaliland uu burburiyo shakhsi oon daawano, ka ogolaan mayno" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu xoriyata hadalka iyo fikirka dadka ku tuntay, isla markaana ay dhalinyaradii Somaliland ku jirto dhibaato "Inanka dhalinyar ta ah ee maanta gabya ma aragteen, inan kaasi waxa uu ka waramayaa xaqiiqda maanta taagan ee dhalinyarta haysata, ee qaar tacabireen, qaarna bada isku tuureen".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa xukuumada madaxweyne Biixi ku dhaliila in ayna u dulqaadan afkaarta dadka rayid ka ah, isla markaana ay xadhig iyo cabudhin kula kacdo saxafiyiinta iyo dadka kale ee dhaliila.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online