3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Masuul ka tirsan xukuumada Somaliland oo Laascaanood lagu dilay
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Laascaanood dablay hubaysani ku dishay Isu-duwihii Hay'adda Qandaraasyada Somaliland ee gobolka Sool Maxamed Cabdilaahi Faarax (Jeeri).

Dilka Jeeri ayaa waxa warbaahinta xukuumada u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariin Aadan X. Diiriye, sida lagu baahiyay boga Facebook-ga ee muuqbaahiyaha xukuumada Somaliland.

Inkasta oo xukuumada Somaliland samaysay dadaalo badan oo nabadgalyada lagu sugayo hadana ilaa hada waxaa sii socda dilalka lagu beegsanayo dadka masuuliyiinta ah iyo xataa dadka shacabka ah, inta badana laguma guulaysto in la aqoonsado dadka dilalka fuliya.

Dilkii ugu danbeeyay wuxuu Laascaanood ka dhacay 30, January, 2022, markaasi oo xili habeenimo ah gabadh iyo wiil is qaba oo aroos cusub ahaa ay dablay aan haybtooda la aqoonsani rasaas ku fureen iyaga oo xili habeenimo ah lugaynaya xaafada Farxaskuleh ee Laascaanood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
4/20/2022 12:41 PM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahan Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaciyay inuu aqbalay go'aankii maanta kasoo baxay maxkamadda sare ee Soomaaliya.

4/20/2022 10:41 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta shirjaraa'id si wadajir ah ugu qabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose guddiyada doorashada heer Fedaraal, heer dowlad gobobleed ee Jubbaland iyo kan xalinta khilaafaadka dalka.

4/20/2022 10:04 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, ayaa kala hadlay xaalada suuqii gubtay ee Hargaysa, iyo taakulaynta abaaraha.

4/20/2022 7:36 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Maxkamada Sare ee dalka ayaa goordhaw Laashay kiiska dacwada uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kasoo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT, kaasoo ku saabsana doorashada kursigii uu u tartamay ee HOP 086.

4/20/2022 6:00 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Maxkamadda Sare ee dalka ayaa shalay billowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kaddib markii guddiga uu diiday natiijada kursiga HOP86.

4/20/2022 5:03 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay lagu dilay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Allah u naxariistee Saciid Xasan Axmed oo loo yaqiinay Saciid Madaxeey.

4/20/2022 3:51 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhex taagan muran ku saabsan sax ahaanshaha heshiiskii shidaal baarista ee bishii February lagu gaaray magaalada Istanbul.

4/20/2022 2:58 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Garab katirsan guddiga doorashada heer federal iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo shalay tagay magaalada Garbaaheerey ayaa sheegay inay fulinayaan heshiiska doorashada 16 ka kursi ee taala gobolka Gedo.

4/20/2022 1:55 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu Somaliland burburinayo.

4/20/2022 1:45 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay inuu sii dayndoono warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland.

4/20/2022 1:40 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud.