6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee Jubbaland oo ka hadlay doorashada kuraasta Ceelwaaq
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta shirjaraa'id si wadajir ah ugu qabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose guddiyada doorashada heer Fedaraal, heer dowlad gobobleed ee Jubbaland iyo kan xalinta khilaafaadka dalka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal ayaa ugu horeyn sheegay in guddiga doorashada maamulka Jubbaland uu diyaar gareeyay dhamaan howlaha la xariira qabashada doorashada 16-ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

"Waxaan diyaarinay dhamaan howlaha la xariira qabsoomida doorashada 16-ka kursi ee taala degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ee aan horay u shaacinay jadwalkooda, waxaana inaga go'an dhameystirka doorashada labaad ee maamulka Jubbaland inaga oo horay usoo gabagabeynay doorashadii kuraasta taalay deegaan doorashada koowaad ee Kismaayo" ayuu yiri guddoomiye Siyaad.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal oo dhankiisa ka hadlay arrimaha ku aadan doorashada guud iyo tan haatan lagu wado iney ka dhacdo Ceelwaaq ayaa sheegay inuu rajo wanaagaan ka qabo in si deg deg ah loo qabto kuraasta Ceelwaaq doorashadooda taalo.

"Doorashada dalka boqolkiiba 99 waan qabanay haatan waxaa inoo dhiman kaliya afar kursi oo Jowhar taala iyo 16 kursi oo Ceelwaaq taala, waxaana rajeynaya ama aan ku baqaaya in la dadejiyo doorashada 20-ka kursi ee guud ahaan ka harsan doorashada si ay uga qeyb noqdaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee lagu wado 27-ka bishaan, waqtigaas ka hor ayaana rajeynaya in la doorto oo ay shahaado qaataan, lana dhaariyo oo ay doorashada ka qeyb galaan"ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer Fedaraal Muuse Geelle ayaa sidoo kale ugu baaqay xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal oo uu sheegay iney wadaan caqabado ka dhan ah doorashada dalka, isagoo ka dalbaday iney ka fogaadaan waxyaabaha haatan abuuri kara dib u dhaca doorashada.

Guud ahaan doorashada Golaha Shacabka waxaa ka harsan 20 kursi oo 16 ka mid ah Jubbaland ku dhiman tahay halka afarta kalana ay Hirshabeelle ku dhiman tahay, waxaana la filayaa in 27-ka bishaan April ay dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
4/20/2022 12:41 PM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahan Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaciyay inuu aqbalay go'aankii maanta kasoo baxay maxkamadda sare ee Soomaaliya.

4/20/2022 10:04 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, ayaa kala hadlay xaalada suuqii gubtay ee Hargaysa, iyo taakulaynta abaaraha.

4/20/2022 7:36 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Maxkamada Sare ee dalka ayaa goordhaw Laashay kiiska dacwada uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kasoo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT, kaasoo ku saabsana doorashada kursigii uu u tartamay ee HOP 086.

4/20/2022 6:00 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Maxkamadda Sare ee dalka ayaa shalay billowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kaddib markii guddiga uu diiday natiijada kursiga HOP86.

4/20/2022 5:03 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay lagu dilay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Allah u naxariistee Saciid Xasan Axmed oo loo yaqiinay Saciid Madaxeey.

4/20/2022 3:51 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhex taagan muran ku saabsan sax ahaanshaha heshiiskii shidaal baarista ee bishii February lagu gaaray magaalada Istanbul.

4/20/2022 2:58 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Garab katirsan guddiga doorashada heer federal iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo shalay tagay magaalada Garbaaheerey ayaa sheegay inay fulinayaan heshiiska doorashada 16 ka kursi ee taala gobolka Gedo.

4/20/2022 1:55 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu Somaliland burburinayo.

4/20/2022 1:45 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay inuu sii dayndoono warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland.

4/20/2022 1:40 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud.

4/20/2022 1:29 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Laascaanood dablay hubaysani ku dishay Isu-duwihii Hay'adda Qandaraasyada Somaliland ee gobolka Sool Maxamed Cabdilaahi Faarax (Jeeri).