4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Maxkamadda sare ma qaadi kartaa dacwadda kursiga Fahad Yaasiin?

 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Maxkamadda Sare ee dalka ayaa shalay billowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kaddib markii guddiga uu diiday natiijada kursiga HOP86.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo horeyna u soo noqday agaasimaha hay'adda sirdoonka, ayaa kursigaasi ku guuleystay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne.

Maxkamadda ayaa dhegaysanaysa dacwadda u dhaxeysa qareenka musharraxa ku guuleystay kursiga ee Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Maxkamadda waxaa hareeyay doodo ku saabsan awooda ay u leedahay qaadista dacwadda noocaasi ah, maadaama Golaha Wadatashiga Qaran ay horay isugu raaceen in ay xal ka gaarayaan cabasho kasta oo kasoo laabata doorashada dadban.

Garyaqaan Zakariye Yuusuf, oo ka tirsan hay'adda ka faaloota xasaradaha caalamka ee ICG, ayaa sheegay in maxkamadda aysan xaq u laheyn in ay gasho dacwadda kiiskan, maadaama uu ka reebayo sharciga law number 30, 11/10/2020 oo ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, isla markaana ay saxiixeen baarlamaankii 10-aad iyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sharcigaasi ayaa mamnuucaya in nooc kasta oo maxkamad ah loo qorto cabasho ama maxkamad ay ka fariisato cabashooyinka doorashada, balse taas beddelkeed sharcigaasi ayaa tilmaamaya in wax kasta oo cabasho ah lala aado Golaha Wadatashiga Qaran, ayuu yiri garyaqaanka.

“Maxkamadda waa tan ugu sarreysay dalka, laakiin doorashada dadban wey ka gedisantahay nidaamka maxkamadda sare ee xeerka garsoorka uu u qoondeeyay dacwaddaha ay geli karto. Maxkamaddu xaq uma lahan in ay gasho dacwadda kiiskan, markii horeba waxaa ay aheyd in ay tiraaahdo sharci law number 30 ayaa iga xayiraya qaadista dacwadan”, ayuu raaciyay.

Garyaqaan Zakariye Yuusuf, ayaa hoosta ka xariiqay in maxkamaddu ay qancineyso muwaadinka soo dacwooday, balse laga filayo in ay caddeyso in aysan gar u laheyn qaadista dacwadan. Waxaa uu sii raaciyay in aan la qaadan doonin haddii ay go’aan soo saarto.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dalka ayaa ku doodaya in heshiiska doorashada ee 17 September uu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada, islamarkaana aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada doorashada la xiriira.

Dastuurka KMG waxaa ku jira sharci sheegaya in garsoorka uusan xukumi karin waxa sharciga aanu u tilmaamin, sidaasi si lamid ahna uusan sameyn karin wax sharciga uusan u jideynin.