4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration oo isku khilaafsan sharci ahaanshaha heshiiska shidaalka
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhex taagan muran ku saabsan sax ahaanshaha heshiiskii shidaal baarista ee bishii February lagu gaaray magaalada Istanbul.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed, iyo Richard Anderson oo ah madaxa fulinta ee shirkadda Coastline Exploration Ltd, ayaa heshiiska wada saxiixay.

Richard Anderson ayaa sheegay kahor inta aanan la saxiixin heshiiska shidaal baarista, inay la tashadeen wasaaradda shidaalka iyo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed, iyagoo u xaqiijiyey in madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaruhu ka warhayaan howshaas.

Anderson oo la weydiiyay sababta shirkadu ay uga dhego adaygtay wareegtadii madaxweynaha Soomaaliya iyo warqad ka soo baxday guddiga isku dhafka ah ee kheyraadka dabiiciga ah ee baarlamaanka oo faraya hay’adaha dowladda in aysan heshiisyo gelin xilliga doorashada, ayaa ku jawaabay.

"Waxba ma aynaan iska indha tirin, Kahor inta aanan saxiixin heshiiska bishii Febraayo, waxaan la tashanay wasaaradda iyo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed, waxaana naloo xaqiijiyey in madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha labaduba ay ka warhayaan howshaas ayna ku qanacsan yihiin saxiixa."

Anderson ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in baaritaanka uu wado xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya uu ku ogaan doono in shirkadda Coastline ay u hogaansantay sharciga Soomaaliya, isla markaana heshiiska la fasaxi doono si ay shaqada u bilowdo.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hor yimid heshiiska shidaal baarista waxayna eeda dusha uga tuureen wasiirka batrooolka, inkastoo aysan jirin wax tallaabo ah oo dambe oo la qaaday heshiiska kadib.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online