4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2022
Guddoomiye Madaale "Ma aqbalayno in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo fasahaad ah, Ciyaal weerada isbiirsaday go’aan cad ayaan ka qaadan doonaa"
 

Khamiis, September, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo Xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda howlgalo saacado badan qaatay ay ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha degmada Kaaraan ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Madaale oo warbaahinta Xalay kula hadlay Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go'an tahay la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya iyo kooxaha Ciyaal weerada oo dhibaato badan ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Xalay laamaha amaanka howgal waqti badan qaatay ay kusoo qabqabteen dad ka ganacsanayay Calaqa iyo Xashiishka, islamarkaana ciidamada ay burburiyeen goobihii lagu iibinaayey waxyaabahaasi oo ku yaalay Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho

“Ma aqbalayno in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo fasahaad ah, Ciyaal weerada isbiirsaday go’aan cad ayaan ka qaadan doonaa, kuwa Calaqa, Xashiirka iyo muqaadaraadka nuucyadooda kala duwan soo galiya Magaalada, kuwa iibinaya iyo kuwa cuna waa isku dambi, arrin loo dulqaadan karo maahan" ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Howlgalka Xalay ciidamada amaanka ka fuliyeen Waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, Taliyaha ciidanka Booliska gobalka Banaadir Farxaan Qoroole iyo taliyeyaal ka oo ka tirsan Booliiska degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Howlgalkaan ayaa imaanaya xili qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir muddooyinkii dambe ay kusoo badanayeen dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo kooxaha Ciyaal weerada ah oo dadka ee dhaca iyo dilka u geysta dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.