3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Qaramada Midoobay iyo Booliiska Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii Ismiidaaminta ee Maanta ka dhacay Muqdisho
 

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Xasan Aadan oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxii maanta uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho , dhaawac iyo burbur hantiyadeed isugu jira.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in dad gaaraya ilaa 9 ruux oo shan ka mid ah ahayeen askar afarta kalana ay ahayeen dad shacab ah ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen ilaa 14 ruux oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan.

"Waxa meesha ka dhacay waxay ahayeen wax lagu batilmaamedsanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed, majirin wax gaaray saraakiishii cadaanka aheyd oo iyagoo nabad qaba ayaa gaarigii ay saarnayeen laga soo dajiyay oo lagu qaaday gaari kale waxa ku dhintay meeshana dhamaan waa dad Soomaaliyeed" ayuu yiri afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Xasan Aadan.

Dhanka kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu u Cambaareeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana Qaramada Midoobay ay beenisay in qaraxii maanta  lala beegsaday kolanyo gaadiid ah ay la socdeen Saraakiil ama qandaraaslayaal Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas Ismiidaaminta ahaa, iyagoona caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii dhaawacmay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar ee magaalada Muqdisho

"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee goor sii horreysay oo maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday” ayaa lagu yiri Qoraalka Qaramada Midoobay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/12/2022 4:08 PM EST
Arbaco, January, 12, 2022 (HOL) - 42 dhalinyaro reer Somaliland ah oo dowlada Soomaaliya kasoo daysay xabsiyada dalka Liibiya oo ay ku xidhnaayeen kadib markii ay isku dayeen tahriib, ayaa markii ay Hargaysa soo gaadheen sheegay in qasab Xamar looga dajiyay, laguna qasbay in ay warbaahinta la hadlaan.

1/12/2022 9:42 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Kulan aan horay loo sii shaacin oo ay isugu yimaadeen Maanta xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug ayaa waxay xilka qaadis ku sameeyeen guddoomiyahii guddigaas Maxamed Daahir Guuleed.

1/12/2022 6:44 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar agagaarka xerada Afisyooni degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

1/12/2022 4:47 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay wadada 21-ka Oktokbar degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

1/12/2022 3:52 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray qoraal uu ku farayo taliska booliiska Soomaaliya iyo taliska booliiska gobolka Banaadir in ay sugaan amniga isisoo bax Muqdisho ay ku qabanayaan gole la magac baxay golaha badbaadada Banaadir.

1/12/2022 3:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Waxaa xalay ilaa shalay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay ilaa 6 dhalinyaro ah oo aanan waxba galabsan.

1/12/2022 1:47 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa saakay dalka dib ugusoo celisay 97 dhallinyaro ah oo muddo sanado ah ku xirnaa xabsiyo kuyaalla dalka Libya.

1/12/2022 1:00 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay qaado tallaabo kasta oo ka dhan ah dib udhaca doorashada oo ay ku jiraan in ay xayiraad kusoo rogaan kuwa masuulka ka ah falalka wax u dhimaya hufaanka iyo geeddi socodka doorashada.

1/12/2022 12:45 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Jawhar Maxamed iyo Baqale Gerba oo kamid ah xisbiga OFC ee Oromo ee dhawaan xabsiga laga siidaayay, oo shir jaraa'id qabtay ayaa dowladda Itooboya ka codsaday, in xal nabadeed laga gaaro colaadda Itoobiya, isla markaana dowladda iyo TPLF miiska wada hadalka isugu yimaaddaan.