4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay wadada 21-ka Oktokbar degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasoo lala beegsaday gadiid ay la socdeen sarakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaan uu geystay, hayeshee waxaa meelo fog fog laga arkaya qiica madoow iyo uuro qaraxa dhacay ah oo cirka isku shareertay, waxaana qaraxu uu dhacay xili wadada la sheegay iney aheyd mid aad u mashquul badan taasoo qasaaraha sii kordhin karta.

Lasoco wararkan waxii kusoo kordha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online