9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Dowladda Kenya oo Ciidamo dheeraad ah usoo diraysa Soomaaliya
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa waddo qorshe ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, iyadoo ciiddamo horleh usoo diraysa Soomaaliya.

War-saxaafadeed  ka soo baxay xafiiska Kormeeraha Guud Hillary Mutyambai ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la geyn doono ciidamo boolis ah oo hoos yimaada magaca AMISOM si ay gacan uga geystaan ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.

“Kormeeraha guud wuxuu u ballanqaaday wadashaqayntiisa iyo taageeraddiisa si loo gaaro waajibaadka Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Hillary Mutyambai”

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay weli tahay welwel amni oo joogto ah isla markaana Kenya ay qaadan doonto kaalinteeda ku aaddan sidii dalku u noqon lahaa mid ammaan ah.

Kenya waxaa Soomaaliya kaga sugan ku dhawaad 3500 oo askari, kuwaas oo ku howlgalla magaca AMISOM.

Alshabaab ayaa horay weeraro uga geysatay Kenya si ay cadaadis ugu saarto dowladda Uhuru Kenyatta inay aqbasho dalabka kooxda ee ah inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Madaxa dawladda Kenya ayaa ku adkeystay in joogitaanka ammaanka Kenya ee Soomaaliya uu sii socon doono ilaa Soomaaliya laga nabadeeyo oo lagu soo celiyo nidaamkii iyo kala dambayntii dalka.

Madaxweynihii hore Mwai Kibaki ayaa ciidamada Kenya ku amray inay gudaha u galaan Soomaaliya kadib markii Al Shabaab ay weeraro is xigxigay ku qaaday dalka Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/6/2021 12:39 PM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa amar ku bixisay in mudo 15 cisho ah gobolka Sanaag lagaga masaafuriyo ganacsatada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Ceerigaabo ka ganacsan jiray.

10/6/2021 11:30 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maanta afar ruux ku dilay Isgoyska Xaawo-taako degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

10/6/2021 9:09 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa maanta soo dhisay golihiisa wasiirada cusub ee kamid noqonaya xukuumadda cusub ee Itoobiya hogaamin doonta 5ta sano ee soo socoto.

10/6/2021 7:48 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si qota dheer waxa uu uga hadlay hanaanka ay ku dhisan tahay Hirshrabeelle oo uu sheegay inay tahay mid aanan xaq ku dhisneen oo xal ku dhisan.

10/6/2021 6:52 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in raafka dadka aan Somaliland u dhalan lagaga saarayo gobolka Sool looga gol leeyahay sugida amniga gobolka, waxa kale oo uu sheegay in dadka la raafayaa anay ahayn Soomaali kaliya.

10/6/2021 4:36 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya ayaa maanta muujiyay inay aad uga xun yahay baracinta lagu sameeyay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.

10/6/2021 4:24 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa ka bilaabay dhismaha xarun looga hortagayo waxyaabaha qarxa (C-IED), si kor loogu qaado awoodda ciidamada ee la dagaalanka Alshabaab.

10/6/2021 3:32 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Doorashada madaxweynenimada Soomaaliya oo lagu waday inay dhacdo 10 -ka Oktoobar ayaa dib u dhac uu ku imaandoonaa, taasoo laga yaabo inay sii xoojiso kala qaybsanaanta siyaasiyiinta dalka.

10/6/2021 2:29 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe qarax ka dhacay degmadaasi ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

10/6/2021 1:02 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku toogteen laba rag ah oo ku eedeeyeen inuu mid ka mid ahaa sixiroole midka kalana uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.