3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Guddoomiyaha gobolka Sool "Raafkii maalintii 5aad ayuu socdaa, dadka inta hadhay waxan leeyahay si nabad ku baxa"
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in raafka dadka aan Somaliland u dhalan lagaga saarayo gobolka Sool looga gol leeyahay sugida amniga gobolka, waxa kale oo uu sheegay in dadka la raafayaa anay ahayn Soomaali kaliya.

Jiidhe ayaa sheegay in masaafuriska gobolka ka socda ay sababtay, dilalka qorshaysan ee mudo sannado ah si isdaba joog ah loola beegsanayay madaxda iyo waxgaradka gobolka.

"2 bisha laga soo bilaabo waxa gobolka Sool iyo degmada Laascaanood ka socotay arrin nabad galyada gobolka Sool iyo degmada Laascaanood wax badan lagaga qabanayo, 10 kii sano ee u danbeeyay deegaankeena waxa ka dhacayay arrin masiibo qaran ah, oo ah dilal qorshaysan, oo gaar u ah Laascaanood" ayuu yidhi Jiidhe.

Jiidhe ayaa sheegay in go'aanka maasaafurinta dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, la gaadhay kadib shirar iyo wada tashi joogto ah oo ay yeesheen dadwaynaha, culimada, waxgaradka iyo maamulka gobolka, isagoo sheegay in uu ahaa go'aan laga fursan waayay si loo sugo amniga gobolka.

"Shacbi waynaha gobolkeena Sool iyo umada Islaan ka ah ba arrintaa aad bay uga dhiidhiyeen, talooyin badan, wax iswaydiin badan iyo shirar badan oo aanu galnay oo aanu iskugu nimid dadwaynaha gobolka Sool, culimada, odayaasha iyo cidwalba oo deegaanka ka tirsan, go'aan wada jir ah oo laga fursan waayay ayaanu qaadnay madaxweynahana waanu la wadaagnay" ayuu yidhi Jiidhe.

Waxa uu Jiidhe intaa ku daray in laysla qaatay in shacbiga gobolka Sool u madax-bannaanaadaan amaan kooda, waxaanu xusay in dadka la saarayo anay ahayn Soomaali kaliya, isagoo ugu baaqay dadka aan Somaliland u dhalan ee wali gobolka kusii hadhsan in ay si nabada ku baxaan.

"Dadka la saaray Soomaali kaliya maaha, cidwalba oo Geeska Afrika ka tirsan way lahaayeen, sida ka timid culimada iyo wax garadka Laascaanood waxa la gartay in aynu u madax-bannaano amaankeena, oo cidkasta oo aan u dhalan Somaliland ay ka baxdo gobolka Sool" ayuu yidhi Jiidhe.

"Shaqadii way socotaa mana dhamaan, maalintii 5aad bay maraysa, waxan usoo jeedinayaa cidkasta oo aan Jamhuuriyada Somaliland u dhalan in ay gobolka ka baxdo, waxa leeyahay intiina hadhay ee dhuun dhuumanaysa, ee meelaha war wareegaysa si nabad ah ku baxa" ayuu hadalkiisa ku daray Jiidhe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in odayaasha sheegtay in ay yihiin guddida amniga Laascaanood, ay khaldanyihiin isla markaana, xukuumadu amniga ka masuultahay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/6/2021 12:39 PM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa amar ku bixisay in mudo 15 cisho ah gobolka Sanaag lagaga masaafuriyo ganacsatada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Ceerigaabo ka ganacsan jiray.

10/6/2021 11:30 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maanta afar ruux ku dilay Isgoyska Xaawo-taako degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

10/6/2021 9:09 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa maanta soo dhisay golihiisa wasiirada cusub ee kamid noqonaya xukuumadda cusub ee Itoobiya hogaamin doonta 5ta sano ee soo socoto.

10/6/2021 8:32 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa waddo qorshe ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, iyadoo ciiddamo horleh usoo diraysa Soomaaliya.

10/6/2021 7:48 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si qota dheer waxa uu uga hadlay hanaanka ay ku dhisan tahay Hirshrabeelle oo uu sheegay inay tahay mid aanan xaq ku dhisneen oo xal ku dhisan.

10/6/2021 4:36 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya ayaa maanta muujiyay inay aad uga xun yahay baracinta lagu sameeyay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.

10/6/2021 4:24 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa ka bilaabay dhismaha xarun looga hortagayo waxyaabaha qarxa (C-IED), si kor loogu qaado awoodda ciidamada ee la dagaalanka Alshabaab.

10/6/2021 3:32 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Doorashada madaxweynenimada Soomaaliya oo lagu waday inay dhacdo 10 -ka Oktoobar ayaa dib u dhac uu ku imaandoonaa, taasoo laga yaabo inay sii xoojiso kala qaybsanaanta siyaasiyiinta dalka.

10/6/2021 2:29 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe qarax ka dhacay degmadaasi ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

10/6/2021 1:02 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku toogteen laba rag ah oo ku eedeeyeen inuu mid ka mid ahaa sixiroole midka kalana uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.