4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Somaliland : Xildhibaan mucaarad ah oo ku biiray isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Xildhihaan Cabdikariin Meecaad oo xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Sanaag oo horey uga tirsana isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku biiray isbahaysiga kasoo hor jeeda ee xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID.

Xildhibaan meecaad ayaa kasoo muuqday baraha bulshada isaga oo la sawiran xubnaha xisbiga Kulmiye iyo garabka xisbiga UCID ay u sharaxeen doorashada shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland, oo uu ugu horeeyo Pro: Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon)

Loolanka iyo kala jiidashada xildhibaannada labada dhinac, ayaa wali sii soconaysa, xili saacado uun ka hadheen doorashada shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland, waxaana jira xildhibaan ka tirsan mucaaradka oo sheegay in 6 xildhibaan oo muxaafad ahi kusoo bireen isbahaysiga mucaaradka, walow aan la xaqiijin karin sheegashadiisa.

Doorashada shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa Salaasada bari  ka qabsoomi doonta xarunta golaha wakiilada ee caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online