
newsinsideSheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ah madaxa labada Masaajid ee Xarameynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiinatul Munawara ayaa sheegay in talaaalka COVID 19 uusan ka mid aheyn waxyaabaha buriya Soonka iyo gudashada waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dad badan oo Muslimiin ah ayaa shaki weyn ka muujinayay waxa aay diinta islaamka ka qabto talaalkan iyo in la isku duri karo maalmaha bisha Ramadaan, kuwaas oo si weyn uga walwal sanaa inuu talaalka ka burin karo Soonka.
Hadalka Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi ayaa kusoo beegmaya xili bisha barakeysan ee Ramadaan aay inaga xigto maalmo kooban oo aay dadka Muslimiinta ahna u diyaar garoobayaan.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]