Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa labo asbuuc oo hor leh ku dartay xayiraada xakamaynta cudurka Covid-19 ee saaran xarumaha dowladda, xarumaha waxbarashada iyo iskusoo baxyada.
newsinsideWasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay weli jirto qatartii Covid-19 ayna suurtagal ahayn in xilligan dowladdu ay qaado xayiraada lasoo rogay.
Wasiirka warfaafinta ayaa ku wargaliyay macalimiinta iyo ciidamada in ay u diyaar garoobaan tallaalka Covid-19, isagoo sheegay in tallaalka la gaarsiindoono dhammaan 17-ka degmo uu ka kooban yahay gobolka Banaadir.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho hoos u dhacay numberka dadka laga helayo cudurka Covdi-19, inkastoo dhimashadiisu ay sii kordhaysa oo kor u dhaafayso 20 qof oo maalin kaste u dhimanaysa.
Faafitaanka cudurka ayaa hadda u muuqda inuu u badan yahay Puntland iyo Somaliland, halkaas oo maalinta kaste lagasoo sheegayo tirooyin badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online