Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abukar Dubbe ayaa sheegay in shirka madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay uu ka dhicidoono xerada Xalane ee ciidamada cirka.
newsinsideWasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu aad uga xun tahay in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulaan xisbiyo doorasho diid ah oo uu sheegay in ay dalka dib ugu celiyaan jiho qaldan.
Cusmaan Dubbe wuxuuu caddeeyay dowladdu in ay diyaar u tahay in si degdeg ah dalku doorasho u aado iyadoo lagu dhaqmayo heshiiskii 17 september oo ay labada aqal meel mariyeen.
Wuxuu sheegay shirka iyo ajendihiisa in ay dowladda maamulayso uuna socondoono maalmaha isniinta iyo talaadada soo socda.
Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo aadaya xilli labo kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay dalbadeen in shirka lagu qabto meel ammaan ah oo ka madax bannaan dowladda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online