4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 4 , 2021
Ciidamada Eritrea oo bilaabay in ay isaga baxaan gobolka Tigrayga

 

Axad, April, 04, 2021 (HOL) -Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada dalka Eritrea bilaabeen in ay isaga baxaan gobolka Tigrayga kuwaa oo ka bar bar dagaalamayay ciidamada Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga TPF ee lagala wareegay gobolka.

Aduunka ayaa siweyn u cambaareeyay dilal loo geystay dad rayid ah oo ka dhacay gobolka, iyaga oo ugu baaqay ciidamada Eritrea ee ku sugan gobolkaasi in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan.

Qarramada Midoobey ayaa marar badan oo hore walaac darran ka muujisay xaalada Banni'aadannimo ee gobolka, iyada oo ku baaqday in marin gargaar lagu gaarsiin karo shacabka tabaaleysan ee ku nool gobolka ay colaadaha saameeyeen ee Tigray.

Lama sheegin tirada ciidamada Eritrea ee gobolka ka baxaya, laakiin waxaa jira warar sheegaya in mar marka qaar ciidamada Eritrea-yaanku ku labistaan dharka ciidamada Itoobiya, taasoo keeni karta shakiga ah in ay wali sii joogaan qaar badan oo iyaga ka mid ah.

Dowlada Ethiopia ayaa wajaheysa cadaadis xoogan oo ku aadan inay soo afjarto dagaalka Tigray, oo bilowday bishii November ee sanadkii hore  markii raiisul wasaare Abiy Ahmed uu halkaasi geeyay ciidamo kadib markii la weeraray xarumaha militariga federaalka. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]