4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in berri ay Ciid tahay
 

Jimco, May 22, 2020 (HOL) -  Dowladda Soomaaliya ayaa goor dambe oo caawo ah shaacisay inay berito tahay maalinta koowaad ee bisha Shawwaal iyo ciidul Fidri, iyada oo burisay go'aan horey ugasoo baxay caawo fiidkii oo lagu sheegayay in ay beri Soon tahay.

Madaxda dowladda ayaa shacabka u hambalyeeyay.

Guud ahaan waxay u egtahay in Soomaaliya oo idil si isku mid ah berito looga ciiddayo, si lamid ah bishii Ramadaan oo hal maalin laga wada soomay guud ahaan dalka.

Jubbaland ayaa ugu horeysay halkii laga shaaciyay Ciidda, kadib markii maamulku sheegay in degaano katirsan Jubbaland laga arkay bisha Shawwaal.

Waxaana kusoo xigsaday ururka Al-shabaab oo iyaguna shaaciyay inay beri ciid tahay.

Maamul goboleedka Puntland ayaa isna goor dhowayd shaaciyay inay maalinta beri oo sabti ah tahay maalin ciid ah, iyagoo ka laabtay go’aan saacaddo kahor kasoo baxay oo lagu sheegayay in beri Soon tahay.

Puntland iyo Somaliland ayaa waqtiyo isku dhow oo saqdii dhexe caawo ah ku dhaawaqay shaacinta Ciidda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]