4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo
 

Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Wararka ka immaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in xalay dagaal qaatay muddo ku dhowaad saacad ah uu dhex-maray ciidamada dowladda ee halkaasi jooga iyo Al-shabaab.

Dadka deegaanka oo la hadlay idaacado maxalli ah oo ku yaalla Muqdisho ayaa waxay sheegeen in la is-weydaarsaday rasaas culus, islamarkaana aysan ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac , maadaama dagaalku uu dhacay xilli habeen ah.

Nuur Kediye Ibraahim oo ah Taliyaha amniga magaalada Buurdhuubo  ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka war hayeen xogta weerarka , sidoo kalena ay iska caabbiyeen.

”Ma jiraan wax khasaare ah oo inna soo gaaray, waxaan sidoo kale Alshabaab u geysannay khasaare xooggan, waan helnay xogta ah in nalagusoo maqanyahay “ ayuu u sheegay Nuur Kediye  idaacadda dowladda Soomaaliya .

Dhowr jeer oo hore ayeey ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo weerarro noocaan oo kale ah kala kulmeen Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow. Hiiraan Online
[email protected]