Talaado, Maarso, 03,2020 (HOL)- Dr. Fawziya Abikar Nuur, Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ayaa maanta waxa ay shir gudoomisay kulanka wacyigelinta saxaafadda ee ku aadan cudurka COVID-19.
newsinsideKulankaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay, madaxda sare iyo shaqaalaha wasaaradda, saxfaadda gudaha iyo dibadda iyo qaar ka mid ah dhaqaatiirta dalka.
Shirkaan oo diiradda lagu saarayay sidii saxaafadda iyo Wasaaraddu ay isaga kaashan lahaayeen sidii bulshada loogu gudbin lahaa warbixinnadda iyo xogaha saxda ah ee ku aadan cudurka COVID-19.
Arintaan oo qeyb ka ah daadaalada loogaga horatagayo, looguna diyaargaroobayo cudurka COVID-19 oo wadamada qaarkood haatan kusii kordhaya.
Wasiir Fawziya ayaa tilmaantay in ka hortagga xanuunka COVID-19 iyo wacyigelinta bulshada ay yihiin masuuliyad-wadareed oo cid walba laga doonayo inay ka qeyb-qaataan dadaalada ay wado Wasaaradda Caafimaadka.
Wasiiradda ayaa tilmaantay doorka saxaafddu ka qaadanayso wacyigalinta cudurka in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh wasaaradda Iyo bulshada soomaaliyeed. Sidoo kale wasiiradda waxa ay ku talisay in saxaafaddu gacan weyn ka gaysato sidii bulshada warar sugan oo wasaaradda laga xaqiiqsaday loogu gudbin lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]