Taliyihii Nabad-sugida Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday

 

Talaado, Maarso, 03,2020 (HOL)-War Goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya  in xilka laga qaaday Taliyihii Nabadsugidda ee Gobolka Banaadir Ibraahim Macallin Cabdullaahi.

newsinsideWaxaa xilkan si KMG loogu magacaabay  Ciise Maxamed Ciise  oo ka mid ahaa saraakiisha hoose ee  hay’adda ee sida ay sheegeen Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Ilaa hadda ma cadda sababta xilka looga qaaday Taliyaha Nabad-sugida Gobolka Banaadir Ibraahinm Macalin Cabdullaahi xilkan hayay muddo sanad iyo bilooyin ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]