Taliyaha ciidamada lugta oo sheegay in ciidamada xooggu u diyaar garoobeen inay Al-shabaab ugu tagaan meel kasta oo ay joogaan

 

Talaado, Maarso, 03,2020 (HOL)- Taliyaha ciiddamada lugta Soomaaliya sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo boqolaal kamid ah ciidamada xoogga dalka kula hadlayay saldhigga Ceelsaliini ee gobolka Shabelleda hoose, ayaa sheegay inay soo dhamaatay xilligii ciidamada xoogga lagusoo weerari jiray xaldhigyadooda.

newsinsideHadalka taliyaha ciidamada lugta ayaa kusoo beegmaya todobaad kadib markii Alshabab ay saldhigga Ceelsaliini xoog kula wareegeen islamarkaana ay khasaare xoogan gaarsiiyeen ciidamada xoogga.

‘’ Anaga iyo cadowga (Al-shabab) isisaarnaan mayno. Sanadkaan gudihiisa weliba bilaha hore dhinac ayaynu ukala dhacaynaa. Inagaa raadsanayna oo ugu tagayna meelaha ay ku dhuuntaan,’ ayuu yidhi taliyaha.

Sareeye guuto Cabdixamiid Dirir wuxuu ugu baaqay ciidamada inay u diyaar garoobaan sidii dalka looga xorayn lahaa cadowga, si loo badbaadiyo ummadda Soomaaliyeed iyo dhalinyarada la marin habaabinayo.

Al-shabaab ayaa todobaadkii lasoo dhaafay xoog kula wareegay saldhigga uu haatan taliyuhu ciiddamada kula hadlayo, halkaas oo y ku laayeen tiro kamid ah ciidamadda, sidoo kale ay ku laayeen maxaabiis kuna furteen hub iyo gaadiidka dagaalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]