Dowladda federalka Soomaaliya oo labo maalin fasaxday duulimaadyada caalamiga ah


Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Dowladda federalka Soomaaliya ayaa muddo labo maalmood ah fasaxaysa Diyaaradaha keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka kuwaasi oo ku dagidoona garoomo cayiman.

newsinsideWarsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa lagu sheegay in go’aankaan la qaatay uu yahay mid ka dhashay cabasho ka yimid muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh inay kusoo laabtaan dalkooda.

Qoraalka wasaradda waxaa ku cad in diyaaraddaha la ogol yahay ay yihiin kuwa sida Dawooyinka iyo Raashinka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]