3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 21, 2020
Ra'iisal Wasaare Kheyre iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo ka wadahadlay xakameynta cudurka Coronavirus

 

Sabti, Maarso, 21, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus oo sida safmarka ah u saameeyay caalamka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo cudurka Coronvirus.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga cudurkan oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo Coronavirus.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
3/21/2020 11:30 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, waxa ay kusoo rogtay awaamiir laga doonayo inay ku dhaqmaan marka dalka soo gaaraan.

3/21/2020 11:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay booqashada uu madaxweynaha Puntland ku tagayo magaalada Muqdisho, booqashadaas oo ah mid rasmi ah oo khamiistii lasoo dhaafay madaxweynuhu ku dhawaaqay,

3/21/2020 8:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL) - Magaalada Jigjiga ee maamulka Somalida Itoobiya waxaa lagu arkayey gaadiid dagaal oo tiro badan oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

3/21/2020 7:55 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa kula taliyayay dadka reer Kiinya inay ka hortagaan maaskaro been abuur ah oo loogu talo galay in lagaga hortago cudurka coronavirus.

3/21/2020 4:38 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Dowladda federalka Soomaaliya ayaa muddo labo maalmood ah fasaxaysa Diyaaradaha keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka kuwaasi oo ku dagidoona garoomo cayiman.

3/21/2020 4:22 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Golaha wasiiradda Puntland ayaa beeniyay in safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo magaalada Muqdisho uu yahay mid uu wada hadal kulasoo galayo dowladda federalka Soomaaliya.