4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2020
Degmooyinka gobolka Hiiraan oo maanta si weyn looga Ciiday


Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Shacab weynaha ku nool degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan, sida Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Matabaan iyo Maxaas ayaa maanta si weyn u ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Bulshada ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta ku Tukaday Salaadii Ciida garoomada kubadda cagta lagu cayaaro iyo Masaajidada waa weyn ee ku yaala magaalada.

Salaadda kadib ayaa wadooyinka waa weyn waxaa lagu arkay dad aad u fara badan oo isugu jiray bulshada qeybaheda kala duwan, kuwaas oo isugu marxabeynay farxada maalinta Ciidda koowaad.

Iyadoo cabsi xoogan iyo dadaalo looga hortagayo cudur COVID-19 aduunka intiisa kale wali laga dareemayo ayaa hadana shacabka reer Baledweyne arintaasi u muuqan oo si caadi ah bulshadu isagu hambalyeynayeen, ayna isugu booqaneyeen xaafadahooda.

Hiiraan Online News Disk